Dawlada Maraykanka oo sheegtay in ay ka qayb qaadaneyso Gurmadla loo fidinayo Dadka ay abaarta ku saameysay Soomaaliya

0
137

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ka War bixisay safarkii ay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan dhinaca siyaasadda Victoria Nuland ay ku timid  magaalada Muqdisho, oo ay kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasaddu inay la wadaagtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay dawladda Maraykanku diyaarka ugu tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha dib u habaynta.

“Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxay sidoo kale u muujisay [madaxweynaha Somalia] sii wadidda taageerada Maraykanka ee dedaalada ladagaalanka argagixiasada ee ay hormuudka u yihiin Soomaaliya iyo Midawga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasadda ayaa intii ay joogtay Muqdisho waxay kulan la qaadatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhinaca gurmadka abaaraha iyo weliba hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda cuntada adduunka ee WFP, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo hay’adda UNICEF, waxaana si weyn loo lafa-guray xaaladda abaaraha ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo weliba taageerada ay dawladda Maraykanku ka geysan karto arrintaas.

Sidoo kale ‘ qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa Sidaan:

Qoraalka ka  soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Mareykanku wuxuu ahaanayaa saaxiib la isku halayn karo, xilli Soomaaliya ay xoojinayso hay’adaha dowliga ah, si ay u gaarto xasillooni siyaasadeed, amni iyo dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku kuu dileen ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-shahaab weerar cirka ah oo ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here