Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo loo diiday in ay ka degto Garoonka diyaaradaha ee M / Boosaaso

0
110

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta diyaarad ay la socotay ku simaha madaxweynaha, ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyaa Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar laga celiyey garoonka magaalada Boosaaso, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in  amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu celiyey diyaaraddaas oo ka duushay Garoonka diyaaradaaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyada sheegay in saacad kadib diyaaradda loo ogolaaday inay degto, si ay shidaal u shubato, kadibna waxay kusoo noqotay Muqdisho.

wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sacdiyo Yaasiin oo hadda dalka ka ah ku sime madaxweyne in aysan marka hore socdaalkeeda ku wargelin Puntland, taas oo sababtay in madaxdu ay soo saarto go’aankan oo xiisad xoogan ka abuuray Boosaaso

shaqaaqo xoogan, ayaa ka taagan Magaalada Boosaaaso ‘waxaana lagu soo warramayaa inuu iska hor imaad ka dhacay magaalada oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Diyaaradda ay la socotay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka ayaa sidday gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaana ay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here