Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka mahadceliyay Ansixinta Golaha Wasiirada Maamulkiisa

WARARKA

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Gudoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka looga fadhiyo xukuumadiisa cusub waxa uuna sheegay in si deg deg looga howlgali doono arrimaha amniga, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo baahinta adeegyada Bulsho.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in si dhow ay u wadashaqeyn doonaan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiirada waxa uuna codsaday in wasiirada lagula xisaabtamo waxqabadkooda shaqo.

WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Leave a Reply

Your email address will not be published.