Dawlada Shiinaha oo bogaadisay Go’aanka dawlada Soomaaliya ay ka gaartay qadiyada Jasiirada Taiwan

0
11

Dawlada Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya uga
mahadcelinayo garab istaaga ay u muujisay, waxa ayna soo dhaweeysey go’aanka ay
Soomaaliya ka qaadatay Taiwan.


  Qoraalka soo baxay safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa looga
hadlay go’aankii ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay
taageero buuxda siisay siyaasadda “Hal China”.

Sidoo kale waxaa qoraalka ka soo baxay safaaradda lagu sheegay
in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriiir qoto dheer oo soo jireen ah.

“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu
mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda
Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warka
qoraalka ah ee ay soo saartay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Dowladda
Federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan
qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran
ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga
Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda
Arrimaha Dibedda.

 

 

 

 

 



 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here