Ciidamada Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa weeraray saldhig ay ku sugnaayeen Xubno ka titrsan Al-Shabaab, oo ku yaalla deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.
Hawlgalka Ciidamada ayaa lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.
Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa sheegay in hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, ay socon doonaan.
Mana jiro ilaa hadda cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha Hawlgalka ay Galmudug iyo Ciidanka Militariga Dawlada Federaalka ka sameeyeen degaano hoostaga Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.