Dhageyso: Dawlada Federaalka oo Faah Faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotel Xayaat

0
19

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 11 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasiirka Wasaarada Cafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa sheegtay inay suurigal tahay inay dhimashadu intaa ska badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada

Isagoo ka hadlayay bannaanka hotel Xayaat, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, waxa uu warbaahinta u sheegay in howlgallada amniga lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay, isaga oo intaas ku daray in 106 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur laga soo badbaadiyay hotelka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka wasiirka Wasaarada Caafimaadka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here