Golaha Wakiilada Jubland oo Muddo Kordhin u sameeyay Madaxweynaha Jubland

0
30

kalfadhigi Afaraad kulankiisa ย shanaad ee golaha wakiilada Jubbalad ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo waxaa Ajandaha uu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland, Waxaana kulanka soo xaadiray 58 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin bishii hore ay soo jeediyeen 30 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland taasoo aheyd in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland Qodobka 28aad iyo qodobka 70aad.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo labaas qodob islamarkaana muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno, Waxaana ogolaaday 55 Xildhibaan, 2 xildhiaan ayaa diiday halka 1 xildhibaan uu ka aamusay.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.

August-2019kii ayaa Axmed Madoobe lagu doortay doorasho uu garwadeen ka ahaa Raysalwasaaraha maanta Xamse Cabdi Barre, sidaas oo kalena Caleema-saarkiisa oo ay diidanayd dawladda Faderaalka, waxaa ka qeybgalay Madashii Mucaaradka oo uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadaas kusifeeyey mid sharci ah.

August 2024-ka ayuu ku eโ€™eg yahay mudo xileedka cusub ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here