Dawlada Soomaaliya oo dalka Dib ugu soo celisay Dhalinyaro Tahriibayaal ah+ Sawiro

0
28

ilaa iyo 14 dhalinayaro Soomaaliyeed ah oo shalay ka soo ambabaxay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ka dib markii ay diyaarad ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aaden Cabdulle ee Muqdisho.

Dhalinyaradaan oo muddo badan magafe ugu xirnaa dalka Libya ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya , wasaaradda arrimaha Dibedda iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.

Dhalinyaradaan ayaa ka mahadceliayay dadaalka ay dawlada Soomaaliya ku bixisay in laga sii daayo xabsiyada dalka Liibiya oo ay ku dhibaateysnaayeen dalkana dib loogu soo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here