Dawlada Itoobiya oo ka Raali gelisay Dawlada Soomaaliya Warbixin laga sii daayay Telefisha Qaranka Itoobiya ETV

0
28

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadshay warbixin ay sheegeen in aysan sax ahayn oo ku jirtay barnaamij laga sii daayay TV-ga dowladda Itoobiya oo ku baxa afka ingiriisiga.

Warbixinta oo ku saabsaneed dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sii daayay maalintii Talaadada ee Todobaadkaan .

โ€œWarbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda dowladda Itoobiya waxayna hareer marsantahay xiriirka labada dowladoodโ€ ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Faceboog ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya.

Warbixinta laga sii daayay Telefishinka ayaa waxyaabaha lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in fallaagada TPLF ay isku dayayso in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaadayso tallaabooyin halis ku ah danaha dowladda Itoobiya, haddii ay taasi dhacdana ay keeni karto inuu abuurmo Urur ka khatar badan Al-Shabaab, isla markaana uu ku lumin karo xulufada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here