Biyo la’aan ka Jirta degmada Badhan ee Gobolka Sanaag

0
106

Dadka ah ee ku dhaqan Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxaa soo food saaray biyo la’aanba’ankadib markii sida la sheegay hal ceel oo dadku ay biyaha ka cabi jireen uu ku yimid culays sababo la xiriira dadkii ka batay maadama magaaladu fidday.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa biyo la’aantaanu ka taagneed Badhan waxaana dadka inta awoodaa ay hadda biyaha ka soo dhaansadaan meel ku dhawaad 150 Kiiloo-mitir, ujirta magaalada.

Guddoomiyaha gobalka Sanaag Saciid Badmaax Jaamac ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto biyo yaraanta jirta halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here