Qoysas ka soo cararay Duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka geystaan Gobolada Jubbooyinka oo gaaray Magaalada Garbo- haareey+ Sawiro

0
34

Qoysas Xoola dhaqato oo ka soo cararay duqaymaha diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysstaan degaano ka tirsan  Jubbooyinka ayaa gaaray degmada Garbo haareey

Dadkaan ayaa ka soo hayaamay duqaymaha diyaaradaha dagaalka kenya ay ka wadaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo  waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Garbo haareey ee xaruunta Gobolka Gedo halkaas oo dib u dejin loogu sameeyay

Duqaymaha diyaaradaha dagaalka kenya ay ka geysteen  degaanada gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa saameeyn ay ku yeelatay Dadka Xoola dhaqaqatada ah iyo dadka kale shacabka ah ee degaanadaasi ku sugnaa waxaana ay baabi’iyeen Dhmaan dadkii iyo xoolo nool Geela U badan

Sawirada laga soo qaaday goobaha ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxaa lagu arkayaa Caruur ka yar Da’da qaan gaarka ah ee ku waxyeeloobay duqaynta diyaaradaha Kenya islamarakaan ay ka soo gaartay Dhimasho iyo dhaawaca iyadoona Geel Badan dhulka la sintay Duqaynta diyaaradaha dagaalka ee Kenya .

Hase ‘ ahaatee Maalmihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqaymo ka waday Goobaha Dadka Rayidka ah ay ku sugan yihiin ee gobolada Jubbooyinka kuwaas  Awalba la daalaa dhacayay Abaarta ka jirtad degaanadaasi ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here