Danjira Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeediyey kulan ay Golaha Ammaanka uga hadlayeeyeen xaalada Soomaaliyaa ayaa ka hadlaydoorashooyinkii ka dhacay Soomaaliya .
Danjire James Swan oo marka hore khudbaddiisa uga hadlay doorashooyinkii soo dhammaaday ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya.
“nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago” ayuu yiri’ Danjire Swon.
Danjiraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd ee dhanka nolosha, taas oo ka dhalatay abaaraha markale ku dhuftay Soomaaliya.
“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso. Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn,” ayuu sii raaciyey.
Wakiilkada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli ka jirto halis aad u weyn, taas oo ka dhalatay xaaladda bani’aadanimo ee dalka.