Dhageyso: Hogaanka Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo soo dhaweeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya .

WARARKA

Dr. Cali Cabdi Baab oo ah Hogaamiye ku xigeenka Xisbiga Amniga iyo cadaaladda ayaa soo dhaweeyay Magaacabista Gloaha Wasiirada Cusub ee  Soomaaliya .

Dr. Cali Cabdi Baab ayaa Ugu horreyn Uga mahad celiyay Madaxweyanaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre  taas oo la xiriirta dhismaha Golaha Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya eeshalay la magacaabay.

Sidoo kale ‘ Dr. Cali Cabdi Baab ayaa isaga oo ku hadlayay Magaca Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda waxaa uu soo dhaweeyay in Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur loo magacaabayWasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Cusub isaga oo ugu hambalyeeyay Sheekh Mukhtaar  Xilka loo magacaabay.

Ugu Dambeeyntii Dr . Cali Cabdi Baab ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya in ay si deg deg ah ku Ansixiyaan Xukuumadda Cusub ee uu soo Magacaabay Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Dr . Cali Cabdi Baab oo ah ku xigeenka Hogaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda :

Leave a Reply

Your email address will not be published.