FAALLO: Fariidnimada Oslo iyo Fadhiidnimada Jaaliyada Soomaalida Bergen!.

faalo Magaalooyinka dalka Norwey waxa ay leeyihiin hogaan jaaliyadeed kuwaa oo lagu soo doorto doorasho bulshadu ay codkooda siiyaan hadba cidii ay u arkaan inay wax ka qaban karaan baahiyooyinka kala duwan ee jaaliyada magaaladaasi, oo ay ka mid tahay wacyigelinta, dhibaatooyinka soo wajaha qoysaska, dadka aan sharciyada heysan oo laga caawiyo sidii ay Looyaro ku heli lahaayeen, is badalada siyaasadeed ee dalka sida arrimaha hadda taagan iyo arrimo kale oo aad u fara badan oo aan qoraal maalin kaliya  lagu soo koobi Karin.

Ugu horeen magaalada Oslo waa caasimada dalka Norwey waa magaalo ay ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaaso (LABAATAN ILAA IYO SHAN IYO LABAATAN KUN) 20-ilaa 25 kun qofood, jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasina waa kuwo u shaqeeya sidii ay dadku ka filayeen iyo waliba si ka sii wanaagsan.

Hogaanka Jaaliyada marka laga tago bulshada Oslo waxaad moodaa kuwo si iskood ah mararka qaar isku abaabula, waxayna mar waliba dhagta ku hayaan oo ay si joogta ahi ula socdaan siyaasadaha dowlada Norwey, ka warqabida Soomaalida magaaladaasi iyo magaalooyinka ku dhow dhow si qof-qof ah iyo waliba si qoys-qoys ah, waana sababta aan ugu yeeray inay Fariid yaal yihiin.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa is badal aad u xoogan oo aad moodo inuu salka ku hayo kacdoon nabaad guurin ka dhan ah Soomaalida ku nool dalka Norwey si guud loo wada dareemay, waxaana aan aragnaa fal celinta Reer Oslo iyo dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow.

Marka laga yimaado Oslo waxaa jira meelo kale oo ay ku badan yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey waxaana tusaale ahaan ka mid ah
Caasimada labaad oo ah Magaalada Bergen waxaana ku nool dad lagu qiyaaso (SAGAAL KUN ILAA IYO TOBAN KUN) 9-kun ilaa 10-kun.

15-kii December 2014-kii ayay ahayd markii doorasho qof iyo cod ah si kalsooni leh lagu doortay maamulka Jaaliyada Soomaalida Bergen kuwaa oo xilkii kala wareegey maamulkii ka horeeyey oo muddo laba sano soo hayay xilkaasi, waxaana muuqata in mudada labada sano ay jirsatay jaaliyada inaysan ku tilaabsan horumar muuqdo oo la taaban karo marka laga reebo in Jaaliyadaha kale ee ka jira dalka ugu yeeraan Jaaliyadii Fadhiidka ahayd.

Tusaale ahaan sanadkan dowlada norwey waxay soo saartay amaro ka dhan ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka iyadoo shaqsiyaad badan oo ka mid ah dadka deegaanka magaalada Bergen ay saameen xoogan ku yeelatay arrimahaasi, mana jirto cid ka tirsan jaaliyada oo arrimahaasi u istaagtay sidii wax looga qaban lahaa.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya sababihii Jaaliyada u garab istaagi waysay tan iyo waqtigii la soo doortay, waa Maamul aan u habeesneen habkii maamul ee lagu hogaamin lahaa bulshada ay matalaan, waa Maamul aan wali haba yaraatee wax  la taaban karo la imaan oo aan ka ahayn Fadhiidnimo iyo inay dadku sii kala fogaadaan.

Sidoo kale waa maamul ka dhaga xiran waxyaabaha ka dhacaya wadanka Norwey marka laga reebo inay firqo firqooyin u kala baxeen si la mid ah Ururadii Soomaaliya ragaadiyey mudada ka badan 25-ka sano.

Waxgarad ka tirsan Soomaalida ku nool magaalada Bergen oo ii waramay ayaa ku tilmaamay maamulka Jaaliyada inay ku fashilmeen arrimihii loo igmaday, isagoo ugu baaqay inay is casilaan in kastoo mudadii labada sano ahayd ee la doortay waqti yar uu ka harsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee jaaliyadaha ka jira wadanka Norwey ayaa  qaar badan oo ka mid ah ka hadleen arrimaha Soomaalida, hase yeeshee Jaaliyada Bergen ayaa u muuqan kuwo wax qorshe iyo diyaar garow ay ku muujinayaan dareenkooda dhibaatada la soo darastay Soomaalida aysan ka muuqan sidii looga baahnaa, waana sababta aan ugu tilmaamay inay Fadhiidyaal yihiin, halka Oslo ay mudatay fariidnimada lagu sheegay.

W/Qoray: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Leave a Reply