Sawirro: Somali ka dibad baxday xariga FBI-da Minnesota

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Dalka Mareykanka ayaa dhigay dibad bax ay uga soo horjeedaan Xarig ay dhawaan Dowlada Dalkaasi u geesatay lix dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay ku biiri rabeen Kooxda Daacish.

Dadka dibad baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay Ereryo ay Dowlada Mareykanka uga codsanayeen in dhalinyaradaasi ay kusii deyso waxaana ereyada ay ku dhawaaqayeen kamid ahaa Cadaalad, Sinnaan iyo in xornimo in la siiyo ayaan u baahanahy dhallinyarada la xiray.

Hooyo dhashay labo kamid ah lixda Dhalinyaro ee la xiray ayaa sheegtay in Ciidamada Sirdoonka dalkaasi ay si xun ula dhaqmeen caruurteeda, waxa ayna tilmaantay markii la xirayay wiilasheeda in ay huruday.

Qaar kamid ah Soomaalida dibad baxa ka qeyb qaadanayay ayaa ku doodaya in dhalinyarada la xiray aan lagu heyn dambi rasmi ah oo cadeenaya falka lagu eedeeyay ee ah in ay doonayeen in ay dalkaasi ka baxaan kuna biiraan Daacish.

Dhawaan ayey aheed markii Ciidamada FBI-da Mareykanka ay xireen lix dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalka Siiriya iyo Ciraaq ayna doomnayeen in ay ku biiraan Kooxdaasi.









 

Leave a Reply