Fahad Yaasiin oo markii ugu horreeysay ka hadlay Arimo xasaasi ah.

0
71

 Agasaamihiii hore ee hay’adda Nisa ahna La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo , Fahad Yaasiin ayaa markii ugu  horeysay ka hadlay magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Salaad, oo dhawaan si rasmi ah ula wareegay xilka hay’adda Nabad Sugida iyo  Sirdoonka Qaranka ee Nisa .

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan si fiican u aqoon Mahad Salaad, taasi oo keentay in uu gacanta u geliyo hay’ad muhiim u ah amniga Qaranka, sida uu sheegay.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen.

 Sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Fahad yaasiin qofka xog iyo sir Qaranka leeyahay la wadaaga Taliyaha cusub uu yahay qof la wadaagay sirtii qaranka Cadowga,” ayuu yiri.

Fahad ayaa si Toos ah u weeraray Mahad Salaad oo uu gaarsiiyay heer uu isla barbar-dhigo Al-Shabaab.

Fahad yaasiin ayaa waxaa hadalkiisa uu intaas ku daray intii uu joogayHay’adda Nisa  uu ka sifeeyay wax ugu yeeray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

“Waxaa hay’adda (NISA) ka saaray wax alaala iyo wixii fara-gelin Ajaanib ahaa oo hay’adda si xad dhaaf ah ugu dhex jiray.’’

Hadalka Fahad Yaasiin ayaa ah mid ku soo aaday ka dib markii uu xilka la wareegay Taliyaha Cusub ee hay’adda Nisa Mahad salaad oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here