Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Ubax dhigay Talaalada Dhagax Tuur+ Sawiro

0
131

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 26-juun awgeed ubax dhigay taalada dhagax-tuur, oo ka mid ah halgamayaashii Soomaaliyeed, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Guddoomiyaha Gobolka Banadir, iyo gudiga qaban-qaabada munaasabadda.

Guddoomiyaha ayaa markale 62 sano ka dib ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay halgankii dheera ee loo soo maray gobonimo doonkii dalka looga xorreeyey gumeystihii heystay gobolada waqooyi ee dalkenna, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed labada gobol ugu baaqay is jaceyl iyo in markale dib loo midoobo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here