Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “farriin nabadeed iyo rajo ah” ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe.
Waxaa la qorsheeyay in Biden uu booqdo Sucuudiga, Israel iyo Daanta Galbeed ee ay haysato Israa’iil inta u dhaxaysa 13 ilaa 16 Luulyo.
Hadalka Lapid ayaa yimid saacado kaddib markii Biden uu difaacay inuu beddelo mowqifkiisa Sacuudiga oo uu doonayo inuu marmarsiiyo u helo booqashadiisa, oo muran ka dhalisay Mareykanka.
Lapid, ayaa hadallo uu jeediyay intii lagu guda jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Israa’iil, wuxuu u jeediyay waddamada kale ee Carabta inay xiriir la sameystaan Israa’iil “iyadoo loo eegayo mustaqbalka carruurteenna.”
Biden waxa uu ku difaacay maqaal uu ku daabacay wargeyska Washington Post, safarkiisa uu Sacuudiga ku tagayo.
Warbaahinta Israa’iil ayaa la-yaab ku tilmaamtay in mas’uul ka tirsan Israa’iil uu madaxweyne Biden u raaci doono safarka uu ku tagayo Sucuudiga, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmi doono madaxda Carabta, isagoo dhinaca kale ka digay in isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Israa’iil iyo Boqortooyada Sucuudigu aanu suurtagal ahayn.
Israa’iil ayaa soo gabagabaysay heshiisyo ay la gashay Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan, kaasi oo uu gar-wadeen ka ahaa Maraykanka.
Lapid waxa uu sheegay in inta uu ku guda jiro booqashada Madaxweyne Biden ee Israa’iil ay diiradda saari doonto arrinta Iran, oo uu ku eedeeyay in ay ku howlan tahay beekhaaminta Uranium-ka si ay Niyukleer u sameysato.
Tallaabadani ayuu sheegay in ay jabinayso heshiisyada, waxaana uu kula taliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Iran.
Israa’iil ayaa ka soo horjeedfa in dib looga wada xaajoodo dib-u-soo noolaynta heshiiskii nukliyeerka ee la saxiixay 2015-kii, waxaana maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu isaga baxay 2018-kii.
Booqashada Biden uu ku tagi doono Sacuudi Carabiya ayaa la dhaleeceeyay, iyadoo sabab looga dhigayo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Boqortooyada.
Madaxweynaha ayaa u jawaabay dadka dhaleeceeyay booqashadiisa, isaga oo maqaal ku daabacay wargeyska Washington Post Sabtidii, waxaa uuna sheegay in “uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga Maraykanka iyo Sucuudiga ee ku salaysan danaha iyo mas’uuliyadda, isagoo ilaalinaya qiyamka dhabta ah ee Maraykanka”.
Waxa uu sheegay in horumarradii u dambeeyay ee ka dhacay Bariga Dhexe ay gobolka ka dhigeen mid xasilloon oo ammaan ah .
Isagoo ka hadlaya muhiimadda Bariga Dhexe uu u leeyahay Maraykanka, ayuu Biden sheegay in “marin-biyoodyada Bariga Dhexe ay lagama maarmaan u yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo sidoo kale ilaha tamarta”.
Biden ayaa aaminsan in midowga wadamada gobolka uu fududeynayo la-dagaallanka xagjirnimada.